Somaliland oo sheegtay in dhaqaalaha Duulimaadyada wadankeeda ay xoog ku haysato Soomaaliya.

Maareeyaha Hay’ada Duulista iyo madaarada Somaliland cumar sayid ayaa sheegay in dhaqaalaha kasoo xaroda duulimaadyada yimaada gudaha somaliland uu udhaco amaba ay qaadato Dawlada soomaaliya.

Maareeye Cumar sayid oo ka hadlaayey Munaasibad ka dhacday Hargeysa ayaa sheegay in soomaaliya siyaasadeysay Heshiiskii labada dhinac dhexmarey ee la xidhiidhay arimaha hawada isla markaana ay gabi ahaanba heshiiskaas ka baxday.