Boqolaal ka tirsan booliiska Jarmalka ayaa isticmaalay budhadh iyo Biyaha basbaaska si ay u qaboojiyaan dad badan oo bartilmaameedsanayay xaflad dhaqameedka bulshada ka soo jeeda Eritrea oo ka dhaceysay bartamaha magaalada Giessen.
Dibad-baxayaashu waxay ka cadhoodeen in xafladda lagu qabtay magaalada Giessen, iyagoo ku tilmaamay mid lagu buunbuuninayo taliska kaligii-taliska ah ee Eritrea.
Bayaan ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in iska horimaad saacado qaatay uu dhacay , waxaana la sheegay in 26 ka tirsan Ciidamada Booliska la dhaawacay.
Booliiska ayaa xiray ku dhawaad 100 qof waxayna ku qasbanaadeen inay joojiyaan isu socodka dadka iyo gaadiidka ee bartamaha magaalada.
War ka soo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in dibadbaxayaashu ay dhalooyin iyo dhagxaan ku tuureen booliiska, isla markaana ay waxyeelo gaarsiiyeen qaar ka mid ah baabuurta, sidoo kalena ay jeex-burburiyeen deyrar ku wareegsanaa goobta xafladda lagu qabanayay.