Taiwan ayaa diiday sheegashada Shiinaha ee ah in ay si fudud u quusin karto Markabka diyaaradaha Xambaara ee ciidamada badda ee Maraykanka, kaas oo ah midka ugu horumarsan maraakiibta Maraykanka ee qaada diyaaradaha Weerarka iyo hubka halista ah.
Taiwan ayaa ku Tilmaantay sheegashada Shiinaha, cabsi galin iyo olale dagaal oo nafsi ah.
Taipei ayaa doonaysa in ay xoojiso kalsoonida shacabka oo ay ka hortagto ololaha cabsi gelinta Shiinaha ee joogtada ah.
Warqad la daabacay bishii March, cilmi-baadheyaal ka tirsan Ciidanka Xoreynta Dadka ee ay taageerto Jaamacadda Waqooyiga ee Shiinaha ayaa sheegay in tijaabooyin la sameeyay ay muujinayaan 24 gantaal oo liddka Maraakibta ah ay Quusin karaan USS Gerald R Ford oo ah Markabka ugu casrisa Maraykanka.