Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo kulan la qaatey Warbaahinta madaxa banaan.

Guddi ka socotey Warbaahinta Madaxa Banaan ee Somaliland ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo uu wehelinayey Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo), waxayna ka wada hadleen wada shaqaynta Xukuumadda iyo Warbaahinta madaxa banaan iyo kiiska Weriye Bushaaro Baanday.

Kulanka ayaa ku soo dhamaatay isfaham, waxaana lagu ballamay kulamo dambe oo kan ka ballaadhan.