Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in ilaa saddex kun oo qof ay ka qaxeen guryihii ay ku noolaayeen ee xerada qaxootiga Jenin, tan iyo markii boqolaal ka tirsan ciidamada Israa’iil oo taageero ka helaya diyaarado duqaymo xagga cirka ah gaysanaya iyo gawaadhida gaashaman ay hawlgal millatari oo ballaadhan ka bilaabeen daanta galbeed.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in tallaabada millitari ay sii socon doonto illaa inta loo baahan yahay.