Wadamo ku yaal Africa oo wajahaya xaalad Cunto yaraan ah.

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa ku sheegtay warbixin ay soo saartay, in illaa todoba dal oo ku yaalla Bariga Afrika oo ay ka mid yihiin, Djibouti, Ethiopia, Soomaaliya, South Sudan, Sudan iyo Uganda, inay haatan soo foodsaartay xaalad daran oo cunto yaraan ah, taas oo aan hore loo arag.

Qaar ka mida hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ka digaya in malaayiin qof oo ku nool gobolka Geeska Afrika, inay la daalaa dhacayaan gaajo iyo dhibaatooyin caafimaad, oo ay sababeen abaaraha, isbedelka cimilada iyo colaadaha ka jira gobolkaas