Ugu yaraan 46 qof ayaa ku dhintay rabshado ka dhacay xabsiga haweenka ee Honduras.

Ugu yaraan 46 qof ayaa ku dhintay rabshado ka dhacay xabsiga haweenka ee Honduras Talaadadii.

Waxaa la ogyahay in dagaalku dhex maray laba kooxood oo budhcad kadib markii mid ka mid ah qololka xabsiga dab la qabadsiiyey.

Saraakiisha ayaa sheegay in inta badan dadka dhintay ay ku dhinteen dabka balse qaar kale la toogtay, kuwa lo tooriyeeyay ama la garaacay.

Waxaa socda baaritaan lagu ogaanayo sida maxaabiista ay ugu suuragashay in ay xabsiga soo galiyaan hub toos ah iyo baangado.

Madaxweyne Xiomara Castro, oo sannadkii hore bilaabay olole ka dhan ah kooxaha burcadda ah, ayaa baraha bulshada ku sheegtay inay aad uga naxday dilka foosha xun ee haweenka loo geystay, ayna qaadi doonto “tallaabo adag” oo ay kaga falcelinayso.

Waxay shaqada ka cayrisay wasiirkii amniga Ramón Sabillón waxayna ku beddeshay madaxa ciidamada booliska qaranka, Gustavo Sánchez.

Dadkii ka badbaaday shilkan lagu hoobtay ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in uu ka dhashay xifaaltan u dhexeeya laba ka mid ah ururada dambiilayaasha ee ugu caansan Bartamaha Ameerika kuwaas oo lakala yiraah 18th Street iyo MS-13.

Waxa ay sheegeen in xubno ka mid ah koox burcad ah ay ku jeesjeesayeen kooxaha ay iska soo horjeedaan, kadibna ay dab qabadsiiyeen firaashyadii qolka ay ku xirnaayeen kuwa ku jeesjeesay.

Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq aad u weyn oo ka kacaya xabsiga dumarka, kaasoo ku yaalla meel 25km waqooyi ka xigta caasimadda Tegucigalpa, waxaana ku jira ku dhawaad 900 oo maxbuus.

Iyadoo dhinacyadii dagaalamay ay ku kala xiran yihiin qeybaha kala duwan ee xabsiga, ayey haddana dhinaca isku hayaan iskuna dhowyihiin.

Rabshadaha ayaa dhacay subaxnimadii hore ee waqtiga maxaliga ah ee Talaadadii.

Dadka badbaaday ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah dadka dhintay ay isku dayayeen in ay ka baxsadaan holac ka kacay musqusha. Meydadkooda oo gubtay ayaa la helay iyagoo is dulsaaran.

Kuwo kale ayey kooxaha burcadda ah rasaas iyo toorri ku dileen kuwaas oo ku sugnaa waddooyinka iyo barxadda xabsiga.