Doorasho Nooce ah ayey qabanayaan Koomishanka doorashooyinka Somaliland ?

Waxa xalay si rasmi ah guud ahaan Somaliland loo soo geba gabeeyey hawlihii diiwaan gelinta codbixiyeyaasha iyo qaybintii kaadhka dadku ku codayn doonaan.
Diiwaan gelintu bishii December 2022 ayey soo bilaabantahay, ilaa shalay oo 21 June 2023 ah qaybintoodii ayaala soo afmeeray. Markaa halkaas waxa ku soo geba gebowday caqabadii u weynayd ee Komishanku ku sheegeen in aanay doorasho madaxtooyo ka qabsoomi karin.

Waa maxay talaabada xigi doonta geb gebaynta hawlaha diiwaan gelinta iyo Kaadh qaybinta?

Tallaabooyinka xigi doonaa, waxa ay noqon karaa in la soo saaro liiska dadka kaadhadhka codbixinta haysta, iyaga oo isku dari doona dadkii hore isu diiwaan geliyey iyo kuwa cusub, ka dib liiska rasmiga ah ee dadka xaq u leh in ay codeeyaan doorashooyinka soo socda ayey sheegi doonaan.
Talaabada taasi xigtaa waxa noqon doontaa in ay dejiyaan qorshaha doorashooyinka ay qabanayaan iyo weliba dhaqaalaha ku baxaya in ay dejiyaan.

Doorasho dee ayey qabanayaan Komishanku?
Ilaa imika laga garanayo doorasho ay qabanayaan, madaama oo Ilaa dabayaaqadii sannadkii 2021-kii dalka waxa ka taagnaa khilaaf salka ku haya labada doorasho, waa doorashada Madaxtooyada iyo doorashada Ururrada. Khilaafkan daneyayaasha doorashooyinku way ku guul daraysteen in ay xal ka taagaan. Komishanku mowqifkoodii hore waxa uu ahaa in wixii khilaaf ah ee doorashooyinka ku saabsan ay muhiim tahay in ay dhinacyada ay khusaysaa xal siyaasi ah u helaan heshiis doorashooyina gelaan, taasi ma dhicin laba sanno ku dhawaana weli waxa taagan khilaafkii labada doorasho midee ayaa soo horeynaysa.

laakiin maanta, madaama oo ay soo dhamaadeen laba arrin oo fure u ah qabsoomida doorashooyinku oo ah diiwaan gelinta iyo kaadh qaybinta, waxa su’aasha labada doorasho mida soo horeynaysa ay ku wareegi kartaa dhinaca Guddida doorashooyinka oo ka jawaabi doona su’aashan, madaama oo xeerka doorashooyinka 91/2020, iyaga siinayo awoodda iyo maamulka doorashooyinka iyo weliba cayimooda. Afhayeenka guddida doorashooyinkuna bilowgii kaadh qaybinta wuxu sheegay in marka dhamaado Hawsha kaadhku wixii intaas ka dambeeya hawlaha la qaban doono ay noqon doonaa kuwo doorasho.

Caqabado kale ee iman karaa?

Ilaa imika ma jirto doorasho la isku raacsan yahay oo mid soo horeynaysa, Xukuumadda iyo Xisbigeedu doorashada urur ayey leeyihiin way soo horeynysaa, mucaaradkuna ta madaxtooyada, markaa ma jiro doorasho heshiis daneeyayaashu ka yihiin ilaa imika, laakiin qodobkan wax dhici karta in laga gudbi karo oo madaama oo muddo laba sanno ku dhawo doorasho iyo mid soo horeynaysa lagu murmayey in Komishanku soo saaraan jawdal doorasho oo dhinacyaduna ku qancaan waa suurto gal

Waxa kale oo iyaduba caqabad noqon karta dhinaca dhaqaalaha oo ah mida ugu muhiimsan oo haddii aan dhaqaale jirin la’aanteed aanay qabsoomi karin doorashooyinku. Doorashooyinkii u dambeeyey ee isku sidkanaa iyo weliba diiwaan gelinta Xukuumadda Somaliland ayaa bixisay intii ugu badnayd, balse duruufaha dhaqaale ee jira iyo xaaladda wakhtigan dalku ku sugan yahay, waxa dhici karta in xukuumadduhu gebi ahaanba bixin karin ama daboolin karin kharaashaadka doorashooyinka.
Arrinta dhaqaalaha ayaa ah mid haddii lagu heshiiyo ama Komishanka soo saaraan khariirada doorashooyinka in dalalka beesha caalamka ee Somaliland ka taageera dimuqraadiyaddu ay kaalin weyn ka qaataan bixinta dhaqaalaha doorashooyinka, taasina waxa ay shuruud kaga dhigi karaan in doorashooyin la isla ogolyahay oo leh jadwal la helo daneeyayaashuna aqbalaan.

Kulmiye iyo Xukuumaddiisa
Labadii sanno ee u dambeeyey, waxa ay Madaxweynaha, Masuuliyiinta Kulmiye ilaa Wasiirradu ku cel celinayeen in doorashada u horreysa ee dalka ka dhacaysaa tahay ta Ururrada, taas oo muujinaysay in ay qaateen doorkii iyo awooddihii Komishanka ee ahaa in ay iyagu xaq u leeyihiin maamulka iyo cayimida doorashooyinka.
Dadka Siyaasadda falanqeeya, waxa ay u arkayeen ololihii furista Ururrada ee Kulmiye iyo Xukuumadda mid ay ka lahaayeen laba qodob oo mid u hir galay, halka kii kalena inuu u hir geli iska daaye dhinacooda uu dhaawac gaadhsiiyey. Qodobka ay ku guuleysteen ayaa ahaa in madaxweynuhu helo muddo kordhin, taas oo muddo laba sanno ah loo kordhiyey, halka qodobka kalena uu ahaa in furista Ururrada lagu kala dhantaalo awoodda Mucaaradka oo markaa xukuumaddu u arkaysay mid khatar ku ah madaama oo guul weyn ka gaadheen doorashadii isku sidkanayd ee 2021-kii, isla markaana heleen shirguddoonka Golaha Wakiillada iyo inta badan Maayaradii Magaalooyinka waaweyn. Qodobkan sidii ay filaysay Xukuumaddu ma noqon taageeradii Mucaaradkana wax weyn kuma keenin ilaa imika arrinta Ururada Siyaasaddu, balse Kulmiye iyo Xukuumaddiisa ayey saameyn weyn ku keentay, iyada oo tusaale ugu dhow yahay arrinta ka taagan Golaha Wakiillada oo Kulmiye kaga saameyn batay Urur-siyaasaddeedka Kaah.
Si kasta ha ahaatee, noocyada tahayba doorasho maanta caqabad horyaalaa ma jirin, balse doorashadii la qabanayoba Kulmiye iyo Xukuumaddiisa waxa horyaalla caqabado u baahan in ay wajahaan oo ay ka mid yihiin saameynta kaga imanaysa Ururrada oo qaar badan oo ka mid ah ha ugu weynaado Kaah oo kula loolamaya deegaannadii Kulmiye laga dooran jiray, Mustaqbalka Xisbiga Kulmiye cidda Guddoomiye iyo Murrashax ka noqon doonta, muddada kooban iyo kasbashada taageerayaashiisii, saameeyeen Dagaallada Laascaanood oo keenay in laba Urur-siyaasaddeed oo mid ka mid ah loo tirinayey in xukuumaddu badhi taaraysay meesha ka baxeen oo Madaxdoodii is casishay.

Mucaaradka
Mucaaradka Somaliland waxa ay si weyn u diidanaayeen in doorashada Ururradu ka soo horeyso ta madaxtooyada, iyaga oo wakhti badan ku lumiyey in doorasho madaxtooyo u dagaalamaan, taas oo aan ilaa imika suurto gelin, iyaga oo muddooyinkii u dambeeyeyna ka shaqaynayey in Beesha caalamku Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa ku cadaadiyaan inuu qabto doorashooyinka, waxaanay ku guuleysteen in cadaadiskii u adkaa blihii u dambeeyey la saaray Madaxweyne Muuse Biixi inuu hormuud ka noqdo xal u helida doorashooyinka iyo inuu caddeeyo wakhtiga iyo sida ay u qabsoomayaan doorashooyinku.
Si kastaba ha ahaatee, Mucaaradku waxa ay u muuqdaan kuwo aan wakhtigii hore uga lumay labada doorasho ka soo horeynaysa in aanay mar kale kaga lumin, iyada oo dadka siyaasadda ka faalooda tibaaxayaan in Waddani uu awoodda saarayo in doorashada Madaxtooyadu qabsoonto, balse haddii ay dhici waydo, taasi beddelkeeda helaan jadwal doorashooyin oo mid walba cadaynaysa wakhtiga ay dhacayso, isla markaana haddii ka Ururrada aqbalaan ay ku xidhayaan muddada ugu kooban u dhaxayso labada doorasho, oo si wada jir ah daneeyaasha iyo Beesha caalamkuna u wada saxeexaan jadwal ay ku cad yihiin maalinta doorashada Ururrada iyo ta Madaxtooyadu dhacayaan.

Waxa Qoray Saleebaan Saxansaxo