Wararkii ugu dambeeyey ee Xaalada Magaalada Garoowe.

Ciidamadda ammaanka Puntland ayaa saaka xidhay wadada halbowlaha ah ee isku xidha guud ahaan Magaalada Garoowe iyo qaybo kamid ah goballada, waxaana xidhan qaar kamid ah goobaha ganacsiga.

Ciidanka Mucaaradka oo ilaa shalay kusoo dhawaanayay guddaha Magaalada Garoowe, ayaa xalay aad ugu soo dhawaaday xarunta Baarlamaanka Puntland taas oo ay ka socdaan Kalfadhiyada xubnaha Baarlamaanka oo la filayo inay meel mariyaan go’aamo la xidhiidha Doorashada Maamulkaas iyo Dastuurka.

Siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland ayaa diidan in la furo Dastuurka iyaga oo sababta ku sheegay qorshe Madaxweynaha Puntand Siciid Cabdilaahi Deni uu ku doonayo mudodo korodhsi aan sharci ahayn xili muddo xileedkiisa ay waxyar ka hadhsan yihiin.