Arday lagu magacaabo Julius Isingoma ayaa BBC-da u sheegay sida mucjisida ah ee uu uga badbaaday weerar habeennimo ah oo ay kooxo looga shakisan yahay Islaamiyiin ku qaadeen iskuul ku yaalla galbeedka Uganda.
“Dhiigga saaxiibbadeyda dhintay ayaa waxaan iska mariyey afka, dhegaha iyo madaxa si ay kooxda weerarka soo qaadday ugu maleeyaan inaan dhintay,” ayuu yidhi mar aan kula kulannay isbitaalka guud ee Bwera ee degmada kaysis .
Ilaa 40 qof oo 37 ka mid ah ay arday ahaayeen – ayaa ku dhintay weerarka lagu qaaday dugsiga sare ee magaalada yar ee Mpondwe habeennimadii Jimcaha.
Julius ayaa ka mid ahaa lix qof oo ay u suurtagashay in ay ka badbaadaan weerarka oo socday saacado badan.
Muu sheegin kooxihii weerarka soo qaaday, balse wuxuu sheegay inay ahaayeen rag hubeysan oo weerarkooda soo qaaday abaare 10-kii habbeenimo.
Waxa ay yimaadeen qolka jiifka ee wiilasha laakiin ardaydu way xidheen ka dib markii ay ogaadeen in ay khatar ku sugan yihiin.
“Markii ay furi waayeen albaabka ayay bam ku tureen gudaha qolka jiifka ka dibna waxay isticmaaleen dubbayaal iyo faashash si ay albaabka u jebiyaan,” ayuu yidhi.