Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhimatay, halka ay 25 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, shil tareen oo ka dhacay qabalaha Ceel-baxay kaas oo ka tirsan degmada Shiniile ee gobolka Siti ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Shilkan ayaa yimi ka dib markii tareen ka yimi dalka Djibouti ay isku dhaceen, gaadhi nooca xamuulka ah oo ku sugnaa wadada tareenka.