Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa ku baaqay in dib loo hagaajiyo xidhiidhka u dhaxeeya Shiinaha iyo Mareykanka, kadib markii ay isku dhici gaadheen labo diyaaradood oo militari oo ay leeyihiin labada dal.
Washington ayaa sii deysay muuqaal muujinaya diyaarad dagaal oo Shiinuhu leeyahay oo dul heehaabaysay afafka hore ee diyaaradda ilaalada ee Maraykanku leeyahay oo dul maraysay badda Koonfurta Shiinaha.