Gudoomiyihii Gobolka hiiraan oo Xilkii Laga qaadey

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Dawladda goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Xil ka qaadista ayaa lagu shaaciyay wareegto uu ku saxiixnaa Madaxweynaha Hirshabeelle, oo sidoo kale xilka Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan u magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow).